Urur Iskaashi Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Dalal Ay Ku Jirto Somalia

0
31

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthmayni waxa uu shaaca ka qaaday inay Taageero Maaliyadeed oo Cusub siin dooonaan dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Bayaan ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka OIC ee ku yaalla Magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Kaalmada la siinayo Afartaasi Waddan loo adeegsan doono Mashaariicda kala ah:  Arrimaha Bulshada, Maalgashiga, Dhaqanka, Xaalladaha Degdega, Jaamacadaha, Isbitaallada iyo Dugsiyada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin xaddiga Lacageed ee loo qoondeeyey afartaasi Waddan, haddana waxaa qeyb ka mid ah Dhaqaalahaasi la siin doonaan Ururada ama Jamciyadaha Kheyriga ee dalalkaasi ka hawlgala.

Sanduuqa Midnimada Isaamka ayaa sida uu qorshahu yahay  laga bixin doona dhaqaalaha loogu yaboohay dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here