Puntland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu qabtay

0
46

Ciidanka Ammaanka Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa howlgallo gaar ah ka sameeyay Tuulada Marajo iyo dhulka Buuraleyda ah ee hoostaga sida Booje iyo Habar-hagoogane, waxaana la sheegay inay kusoo qabteen  Xubno ka tirsan Al-Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in Xubnahaan la qabtay in uu kujiro Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana Xubnahaas ay ahaayeen kuwo Aasa miinooyinka la geliyo wadooyin ka tirsan Gobolka Bari.

Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta waxaa ay sheegeen in Xubnahan la qabtay ay miinooyin ku Aaseen wadada isku xirta Bali-khadar, Karin iyo degaano kale oo dhowr jeer lagu qarxiyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa ays heegeen in ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen maado ay Al-Shabaab u isticmaalayeen waxyaabaha qarxa, isla markaana ay ka hortageen weeraro ay doonayeen inay fuliyan.

Ciidamada Puntland ayaa hdowr jeer waxaa ay weeraro kala kulmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab , waxaana sidoo kale mararka qaar ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo kamid ah kuwa weerarada ka geysta degaannada Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here