Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in laga qaado dhagxaanta la dhigey isgoyska Dabka

0
41

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in laga qaado dhagxaanta isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Kahor intuusan amarka looga qaadayo wadada dhagxaanta ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahm Macalimuu isagoo sheegay in dowladu ay ka fiirsanayso dhagxaanta la dhigey wadada.

Qoraal kooban oo uu Ra’iisul wasaare Rooble ku daabacay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku yiri.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada”.

Wadada Maka Al Mukarama ayaa maanta laga dareemay culeys weyn kadib markii dhagxaan lagu gooyay wadada muhiimka ah oo ay gaadiid badan isticmaalaan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa waxa ay ku eedeeyeen dowlada in ay awoodi weysay inay ilaaliso ammaanka caasimada iyadoo u daadgureyso ciidamo faro badan gobolka Gedo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here