Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka oo gaaray Baydhabo

0
43

 

 

Wefdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuday ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad dowlad Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxana garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyey guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-ee Barlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya

Socdaalka wafdiga ayaa ah is xog wareeysi ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo midda dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ee soomaaliya, asagoo kulamo kala yeelan doono madaxda dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ee soomaaliya mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (laftagareen).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here