Weerar bambaano oo Caawa ka dhacay Magaalada Beledweyne

0
36

 

 

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in werar bambaano oo lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamada Ammaanka ku leeyihiin Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano lagu qaaday koontroolka  Ciidamada Amaanka  ay  ku leeyihiin Xaafada Buundweyn  Gaar ahaan  Ciidanka ilaalada ka haayo Buunadada, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Ciidamada werarka bambaano lagu qaaday ay rasaas farabadan fureen,taas oo an weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay xaaladeeda amni aheyd mid wanaagsan marka laga reebo banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigayeen dad kasoo horjeeda Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here