SOMA oo Dhuusamareeb Ka Furtay Tababarka Bedqabka Suxufiyiinta Iyo Tebinta Doorashooyinka

0
36

 

 

Tababarkan oo ay ka qayngaleen 20 Suxfi oo ka kala yimid Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq, Guriceel & caasimaadda DG Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku saabsan Bedqabka Saxafiga iyo tebinta Doorashooyinka ayaa socon doona 4 maalin

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo furay tababarka ayaa sheegay in Galmudug u diyaarsan tahay martigelinta siminaarada horumarinta ah ee quseeya kobcinta waayaa-aragnimada iyo xirfadda Suxufiyiinta.

waxaana sidoo kale hadalo dardaaran u jeediyay Suxufiyiinta Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ahna Xillibaan Galmudug Abdirahaman Naleeye, Afhayeenka Maamulka Dhusomarreeb Bashiir Mohamed Salad Sanka, Gudoomiye ku xigeenka Ururka FESOJ Abdifatah Hassan Farah iyo Madaxa Tababarada SOMA Ahmed Isse Gutale.

Tababarkan oo aad u muhiim ah ayaa waxa qabashadiisa iska kaashanaya SOMA iyo Hay’adda IMS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here