Ciidamada Dowladda oo howlgaĺo ka sameeyay Beled-Xaawo

0
40

 

 

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya iyo Kuwa Guutada Kumaandooska Gorgor oo iskaashanaya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay, degaano dhaca Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidmada ayaa howlgallada oo ahaa Amni xaqiijin waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada kala ah Haroodi, Liibaanraage, Xaygacad, Burkuus, Haartacad, Najax iyo degaano kale oo hoostaga Beled-Xaawo.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Kumandooska Gorgor Cumar Xasan Deeq iyo  Taliyaha Ciidanka xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, waxaana ay sheegeen in howlgalka ay ku sugnaayeen Amniga degaannada hoostaga Beledxaawo sidoo kale ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa degaannada kale ee Gobolka Gedo laga saarayo Al-Shabaab oo meelo kamid ah weli ku sugan.

Howlgalka laga sameeyay duleedka Beledxaawo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolkaasi Gedo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here