Ururada Bulshada Rayidka oo ku taliyay in shirka arimaha doorashooyinka lagu qabto Muqdisho

0
30

Ururada Bulshada Rayidka ayaa ku baaqay in shirka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka 15ka bishan ee uu hore u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo in lagu qabto caasimada dalka ee Muqdisho.
Qoraal ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxaa ay sidoo kale ku soo jeediyeen in wakiilo ka socda bulshada rayidka iyo dhammaan dhinacyada aan looga maarmin ka qeybgalaan shirka.

Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in la ilaaliyo xasiloonida dalka islamarkaana cidii kasoo horjeesta shirka Muqdisho in xal lagu gaaro lagula xisaabtamo mas’uuliyada saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here