Muran ka taagan hadal jeedinta Ra’iisul wasaare Rooble ee maalinta Arbacada

0
41

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa berri yeelan doona kulan looga tala galay in uu hortaggo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin ku aadan in Ra’iisul wasaaraha uu baarlamanka hortagi doona uuna kala hadli doona waxqabadkii 100-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Xildhibaano Muqdisho ku shiray oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhawaaqay Kutlada Badbaado Qaran.

Waxey sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble damacsan yahay in berri baarlamaanka weydiisto muddo kordhin.

Xildhibaan Mahad Maxamed  Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhamaaday waqtigii la doortay, islamarkaana hadda uu yahay Madaxweynihii hore.

Xildhibaanka ayaa xusay in xildhibaanadaan ay ka shaqeyn doonaan in dalka aysan ka dhicin wax muddo kororsi ah ayna gaari doonaan go’aamo lagu badbaadinaayo dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here