Guddoomiyaha Baladweyne Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay + Sababta

0
43

uddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiye Cismaan dhicisow Dhuubow, waxaana lagu eedeeyay inuu dhigtay isbaaro lagu dhibaateyso gaadiidka.

Afhyeenka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi oo warbaahinta u Akhrinaayay wareegtada shaqo joojinta Guddoomiyaha Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in Cismaan dhicisow uu gudan waayay shaqadiisa, isla markaana uu dhigtay isbaaro.

Sidoo kale Afhayeen Cabdi Muumin ayaa tilmaamay in Shaqada degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu si KMG ah usii wadi doono ku-xigeenka Guddoomiye Cismaan dhicisow.

Illaa iyo hadda Guddoomiye Cismaan dhicisow Dhuubow ayaan ka hadlin shaqo joointa uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo eedeynta loo jeediyay oo aheyd inuu dhigtay isbaaro gaadiidka lagu dhibaateeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here