Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xukuumadda ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho, iyada oo la soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & siyaasadda gobolka Banaadir Cali Maxamed Warsheere & xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu uga qeyb-galay shirka Wadatashiga Maamul goboledyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.
Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay la soo geba-gabeeyay, iyada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.