Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0
41

 

 

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii shirkii Dhuusamareeb uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii diyaaradiisa soo caga dhigatay garoonka u sii gudbay madaxtooyada, isagoo aan ku hakan VIP Garoonka.

Ciidamada Koofiyo Casta ayaa saakay xiray wadada hormarta Dekeda Muqdisho illaa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde.

Waxaa la filayaa in Baarlamaanka uu la hadlo saacadaha soo socdo,xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa haatan ku sugan xarunta baarlamaanka iyadoo loo diiday saxafiyiinta inay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here