Iran oo diiday in ay wada xaajood ka gasho awoodeeda

0
35

Iran ayaa diiday inay qabato wadaxaajoodyo dheeri ah oo nukliyeerka ah, kaasi oo daba socda kii sanadkii 2015, Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Saciid Khatibzadeh.

Heshiiska Nukliyeerka waa heshiis caalami ah oo dhinacyo badan taabanaya oo uu ansaxiyay qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2231 waana mid aan gorgortan geli karin, dhinacyada ay khuseysona waa kuwo cad oo aan wax laga badali karin,” ayuu yiri Khatibzadeh.

Horraantii Jimcihii, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in Sacuudi Carabiya laga qayb geliyo wadahadal kasta oo cusub oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka 2015.

Macron waxaa kale oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga fogaado in lagu celiyo “khaladka ka reebida wadamada kale ee gobolka wadahadalka“, isagoo intaa ku daray in wadahadal kasta oo cusub oo ku saabsan heshiiska uu ahaado mid “aad u adag“, isagoo ka digay in waqtiga looga hortagayo Iiraan in ay sameysato hub nukliyeer ay aad u gaaban tahay.

Isaga oo ka jawaabaya hadalka madaxweynaha Faransiiska, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran waxa uu sheegay in Macron ay tahay “in uu is-xakameeyo”.

Haddii saraakiisha Faransiisku ay ka walwalsan yihiin hubkooda badan ee ay ka iibiyaan waddamada ee Gacanka Beershiya, waxay si fiican uga fiirsanayaan siyaasaddooda.

Waxaa uu intaa ku daray “Hubka Faransiiska, oo ay weheliyaan hubka kale ee reer Galbeedku, kaliya ma aha xasuuqa kumanaan Yemeniyiin ah laakiin sidoo kale waa sababta ugu weyn ee xasilloonidarrada gobolka , ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iran Saciid Khatibzadeh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here