Dagaal markale ka dhacay degaano ka tirsan Galgaduud

0
457

Dagaal ayaa markale Maanta ka dhacay deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45km u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug halkaas oo tan iyo shalay ay ku dagaalamayeen maleeshiyo beeleedyo wada dagan Xananbuure.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo dhaawacyada sideed kalena loo kala qaaday magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegeen dad ku sugan aagaasi.

Illaa hadda lama oga sababta keentay dagaalka balse dhawr jeer oo hore ayay maleeshiyooyinka beeluhu ku dagaalameen Xananbuure iyadoo ciidamada dawladduna kala dhexagaleen loona qabtay shirar lagu heshiisiinayo inkastoo kulamadaasi waxyaabihii lagu gaaray aan la fulin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here