Wakiilka Qaramada Midoobay oo kulan la leh Madaxweynaha Hir-Shabeelle

0
45

 

Magaalada Jowhar, wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM.

Wafdiga  ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda, iyagoo kala hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh.

Kulanka oo weli socdo ayaa sidoo kale waxaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee alka gaar ahaan arrimaha weli muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka dalka.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa horay ula kulmay Madaxweynayaasha maamulada Puntland & Galmudug, waxaana la filayaa in maalinta sabtida ah in uu tago magaalada Kismaayo si uu ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here