Maxaa looga hadlay kulanka golaha Wasiirada Puntland?

0
50

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay.

Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here