
Xiddig ka tirsan Arsenal ayaa isku diyaarinaya inuu ka tago kooxda kahor dhamaadka suuqa kala iibsiga xilliga qaboobaha, si uu dib ugu soo nooleeyo fursadiisii uu kula ciyaari lahaa xulkiisa, Koobka Qaramada Yurub xagaaga soo socda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Maitland-Niles ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago Arsenal seddexda maalmood ee soo socota kaddib markii uu ku guuldareystay inuu boos ka helo kooxda macalinka reer Spain ee Mikel Arteta.
Tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa si cad u xaqiijiyay in ahmiyada koowaad ee ka mid noqoshada xulka qaranka ay noqon doonto ciyaartoy si joogto ah ula ciyaara kooxahooda, taas oo keentay in Ainsley Maitland-Niles uu ka fikiro mustaqbalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Wolves ayaa dooneysay inay la saxiixato Maitland-Niles intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, laakiin Arsenal ayaa diiday inay iska iibiso, halka Atletico Madrid ay sidoo kale wax ka weydiisay suurtagalnimada ay ku soo jiidan karto ciyaaryahanka.