Ciidamada Dowlada oo Howlgalo Ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Baay

0
45

 

 

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60-aad ee weerareen deegaanka Seydheelow oo qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu yimid iyadoo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab halkaa ay u joogeen inay ka ururiyaan Zekawaad beeralayda deegaankaas.

“Howlgalkan aan fulinay waxaan ku diney 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab afar kalana waan ka soo qabanay,”ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada xoogga dalka ee gobolka Bay.

Sarkaalkan ayaa qirey weerarkaas loogaga diley ciidamada labo ka mid ah askartii howgalka ka qeybqaadatay.

Ciidamada gaaray deegaanka Seydheelow ayaa ugu dambeyn dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee ay fariisimo ku lahaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here