Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sweden Ee Somalia

0
44

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya.

Kulank u dhexeeyay Madaxweyne Saciid Deni iyo Safiir  Stefan Tillander ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

Qoraal kasoo bnaxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Safiirkan Sweden uu boggaadiyey dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay.

Sidoo kale Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa 2021

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo la-taliyeyaal Madaxweyne .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here