Jamhuuriyiinta Aqalka Sare Oo Wada Qorshe Dib Loogu Dhigayo Dacwad Ku Soo Oogidda Trump

0
48

Jamhuuriyiinta Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa ka codsanaya Dimquraaddiyiinta inay ilaa February dib u dhigaan dacwad ku soo oogidda madaxweynihii hore Donald Trump.

Waxay ku doodayaan in taas ay waqti dheeraad ah siin doonto Mr Trump si uu is difaacid isugu diyaariyo. Waxaa lagu eedeynayaa kicin, kaddib markii taageerayaashiisa ay bishii la soo dhaafay galeen dhismaha Capitol.

Dimuqraaddiyiinta Aqalka Wakiillada ayaa diyaar u ah inay dacwadda ku wareejiyaan Aqalka Sare.

Mr Trump ayaa u duulay Florida iyadoo muddo xileedkiisa uu dhammaaday Arbacadii, isagoo aan ka qeyb gelin caleema saarka Joe Biden.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here