RW Rooble oo Amar siiyay Hay’adaha Amniga Soomaaliya

0
39

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun.

RW Rooble ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay, iyada oo Hay’adaha Amniga uu amray inay soo qabtaan dadkii dilay Guddoomiyihii degmada Hodan.

”Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho.
Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun uu ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here