Madaxweyne Deni oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Magaalada Qardho

0
34

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Karkaar.

Madaxtooyada Puntland ayaa baahisay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka, gaar ahaan nabadgelyada, horumarka iyo deegaanka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugan Magaalada Qardho ayaa shalay tababar usoo xiray Ciidamo Boolis ah, waxaana la filayaa in uu kulamo kala duwan uu halkaasi ka siiwado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here