Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah

0
34

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa hormeeray difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga degaannada Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada qalabka sida ee isugu jira mileteriga Qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya dadka deegaanadaas ka soo jeeda ayaa dagaal culus la galay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka  Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Maamulka Galmudug oo kaashanaya dadka Shacabka ah ay diyaar u yihiin inay  Al-Shabaabka saaraan degaannada ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Waxaa uu u mahad celiyay Shacabka Gobolka Mudug oo uu sheegay inay u dhabar adeegeen inay iska difaacaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan.

Degaannada Bacaadweyn iyo Cimaamad we Gobolka Mudug Mudug waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Amniga Galmudug oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaannadaas kasoo jeeda iyo Al-Shabaab oo weeraray degaannadaas.

ayagoo muujiyey in ay garab taagan yihiin halganka kooxaha argagixisada looga xoraynayo Galmudug ee ay hormuudka u tahay Dawladda Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here