Guddiga Xalinta Dhibaatada Sicir bararka puntland oo Kulan kuyeeshay Garoowe

0
38

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta oo Isniin ah, taariikhduna ku beegan tahay 18/01/2021 kulan ku yeeshay Guddiga Xalinta Dhibaatadda Suuqa Lacagaha ee Puntland.

Kulanka Guddiga ayaa  waxaa ay uga hadleen sidii loo fulin lahaa Go’aamaddii ay  dhawaa  soo saareen ee la xiriira xakameynta Sicir bararka iyo socod siinta lacagta Shillin Soomaaliga.

Go’aamada ay Guddiga horay u soo saareen ee dhaqan galay ayaa waxaa kamid ah in uu shaqo bilaabey Bankiga Maamulka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni ayaa waxa uu soo dhoweeyey go’aanka Guddiga, wuxuuna amrey in hay’adaha ay quseyso, ay fuliyaan go’aamadda kasoo baxay Guddiga.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wuxuu Guddiga u sii xilsaarey xaqiijinta fulinta go’aamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here