Diyaarad siday Raashin oo ka degtey magaalada Xudur

0
53

Diyaarad ay saarnaayeen cunto kala duwan ayaa maanta ka degtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Raashinka ayaa waxaa lagu wareejiyay agabkii saarnaa Maamulka degmada Xudur si bulshada magaalada loogu qeybiyo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ku sugan degmada Xudur, waxaana kulan uu la qaatay laamaha Amniga uu faray in go’doonka laga qaado degmooyinka Gobolka Bakool

“Kiilada sokorta waa haddii la helo hal doolar iyo bar baa lagala siisanayay..laakin dukaamada inta badan wey xiran yihiin, wax la iibiyo ma laha”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow

Degmada Xuddur oo muddo 8 Sano ah u go’doonsan Al-Shabaab ayaa waxaa kajirta xaalad Bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii Al-Shabaab ay xoojiyeen culeyska ay saareen degmadaasi Xudur.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here