Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Balan Qaad U Sameeyay Madaxda Bangiyda

0
54

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda Bangiyda dalka, kadib markii uu kormeer ku tegay Xarumaha Bangiyda qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxda kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Madaxda Bangiyda dalka ee uu la kulmay u balan qaaday in Xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda, si dhaqaalaha dalku u hormaro.

“Waxaan ballan qaadayaa in Xukuumadda Soomaaliya u fududeyn doonto howlihiina ,si dhaqaalaha dalku u hormaro, waxaana idinku boggaadinayaan kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here