Howlgal Lagu Qabtay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Degaano Laga Fuliyay

0
39

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka saameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Koban, Bangiini, Araare iyo deegaano kale oo hoostega degmada Jammaame, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas joogay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaas kusii daray in ujeedka howlgalka ay saameeyeen Ciidanka Xoogga dalka uu ahaa mid lagu doonanayo in lagu xaqiijiyo amniga deegaano dhawaan lala wareegay.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad ayaa sheegay in howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab ee laga wado deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose uu sii socon doona, isla markaana ay qorsheynayan howlgalo kale.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo kale ka waday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in intii uu socday howlgalka qaarkood Ciidamada lalal eegtay qaraxyo miino ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here