Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka

0
50

In ka badan 70 Qof ayaa diyaarad siday ay kasoo duushay  gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka dib markii Mareykanka uu go’aansaday in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya ka dib markii lagu helay eedeymo kala duwan.

Dadkaan ayaa laga soo dejin doona Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi dalka Kenya ka dibna waxa loo soo gudbin doona Muqdisho.

Dowladda Mareykanka wali ma shaacin sababta rasmiga ee dadkaasi lasoo masoo furiyay iyo rag iyo dumar waxa ay kala yihiin.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa Soomaaliya dib loogu celiyay oo la masaafuriyay boqollaal Soomaali ah.

Todobaatankaan qof ayaa soo tarxiili doodo kusoo beegmay xilli maalmo kooban ay ka harsan yihiin wareejinta xilka Madaxweynaha Trump.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here