Dad Xoolo dhaqato ah oo lagu laayay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

0
46

 

 

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay ku dileen illaa Shan ruux oo xoolo dhaqato ah deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dadkan ayaa lagu diley deegaan lagu magacaabo Xersi Lugeey oo ku yaal meel u dhexeysa Balanballe iyo Guriceel.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dilka xoolo dhaqatadan lala xiriirinayo aargoosi iyo aano qabiil,waxaana soo wajahay dadka ku nool deegaanada uu falkan ka dhacay cabsi xoog leh.

Magacyada raggan la diley ayaa lagu kala sheegay Gaarane Cawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi Yare Maxamed Aw-faarax, Caddaawe Xersi Lugey iyo Cali Dheere Xersi Cawaale.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dilal ku salaysan aargoosi qabiil iyadoo dhowaan lagu diley saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here