Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga Maraykanka

0
39

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hoggaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii dowladda Mareykanka ay u xoojin leheed tababarada la siiyo Ciidanka xoogga gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada, iyagoona howlgallo duqeyn u badan ka fuliya deegaanada ay maamulaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhawaan ayay aheyd markii ra’iisul Wasaare Rooble uu booqdy xarunta ciidamada Danab ee Ballidoogle halkaa oo ay ciidamada Maraykanka tababar ku siiyaan ciidamada DANAB.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here