Midowga Musharaxiinta oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Caqabadaha Heysta Doorashada

0
64

 

 

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa Beesha u diray Qoraal ay kala hadleen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowda sanadkaan 2021.

Qoraal loo diray Wakiilada Beesha Caalamka oo ku qornaa luuqa Ingiriiska ayaa waxaa siweyn loogu faah faahiyey caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada oo ay isku hataan Musharaxiinta, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda.

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in xalka uu noqon karo in Hal magaalo lagu qabto doorashada in Arrinta kuraasta Gobolada Waqooyi loo daayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Musharaxiinta Madaxwrynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo ay magacaawday dowladda Federaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here