Donald Trump oo ka digay xil ka qaadista loo qalqaalinayo

0
83

 

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid “gabi ahaanba sax ahayd”.

Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka.

Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena “wax fool xun” ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto inay kadhalato  carro aad u xoog badan. Aalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in ay maalinta Arbacada ee barri ah u codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista loogu sameynayo Trump.

“Waxay ila tahay in [howsha xil ka qaadista] ay sababeyso cadho xad dhaaf ah oo ka dhan doonta waddankeenna. Anigu ma doonayo qalalaase,” ayuu yiri Mr Trump. Wuxuu madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka sii baxayay Aqalka Cad, isagoo ku sii socday gobolka Texas ee darbiga xadka laga dhisayo.

Donald Trump ayaa xilka ka dagi doona 20-ka bishan January, marka xafiiska loo dhaariyo Joe Biden, oo ah madaxweynaha la doortay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa in uu codsado sidii xafiiska looga eryi lahaa Trump, markaas kaddibna uu isagu ku sime sii ahaado inta laga dhaarinayo Mr Biden.

Xildhibaannada Congress-ka ayaa maanta u codeeyay in Mr Pence uu codsado xil ka qaadista Trump. Laakiin waxay wararku sheegayaan in Mike Pence uusan mowqifkaas taageersaneyn, tallaabana u qaadi doonin in sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha ay isku xisbiga kasoo jeedaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here