Xafiiska W/R oo lakulmay Wafdi ka socda IGAD

0
46

 

 

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD.

Guddiga ayaa  dalka u yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Ashkir ayaa guddiga soo dhaweeyey, kuna amaanay kaalinta uu urur gobeleedka IGAD ka qaadanayo xallinta khilaafaadka gobolka.

Waxaa uu u xaqiijiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay go’antahay ilaalinta daris wanaagga isla markaana ay ka  rajeynayso dhanka kale dhowrista madaxbanaanida Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here