Midowga Musharixiinta Iyo Qaar Ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Shir u Socdo hada

0
48

 

 

Waxaa Caawa shir xasaaasi ah  uu u socdaa Golaha Midowga Musharixiinta iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana shirka dibad joog ka ah warbaahinta sida ay shegayaan warar hoose oo aan helnay

Shirka ayaa ka socda Hotelka Decale oo u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku kulansan halkaa Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha maamulada Hir-Shabeelle, Galmudug iyo  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida warar hoose ay sheegayaan shirka ayaa looga hadlayaa marxaladda siysaadeed ee dalka, waxaana si gaar ah ay Mas’uliyiintani kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka ee la isku mari la’yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here