Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay Bur-buriyeen Xaruntii ugu weyneed ee Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab ee Degaanka kuunya Barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose , waxaana ay sheegeen in ay kaashadeen Kumaandooska Xoogga Dalka iyo Africom.
Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlayay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarka duqeynta ahaa lagu dilay wariyaal ka tirsanaa Idaacadda la bur-buriyay iyo xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Duqeynta lagu dilay Agaasimaha Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab C/Raxmaan Cali oo Magaca Afgarashada Al-shabaab looga garan og yahay uu yahay khaashic , Wariye Ahamed Dalmar Abuu Warsame iyo Wariye Maxamed Cali Aadan.
Sidoo kale Duqeynta Waxaan lagu dilay sida ay sheegeen Saraakiisha Danab Ismaciil dubud Shig shigow oo Xiligaasi lagu wareysanayay Mid ka mid ah Barnaamijyada ka baxa Idaacadda.