Yaxye Caamir;”Shidaalka Somalida iyo Xaraashka Maanta khatar.”

0
121

 

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dhinaca Dhaqaalaha ku taqasusay Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim ayaa qoraal dheer ka qoray Heshiiska Shidaalka ee la qorsheeyay inay dowlada Soomaaliya la saxiixato 2 shirkadood. Proff Yaxye Caamir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ogyahay in khatar uu ku yahay naftiisa balse uu u bareeray.

Yaxye Caamir ayaa qoraalka oo uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku bilaabay;
Waa Qoraal aad muhim u ah in aad Akhriso, haba kugu dheeraadee, Fadlan haka caajisin si aad u ogaato Waajibka Shidaalka Dalka kaa saaran.

Waan ogahay Khatarta uu ii leeyahay Qoraalkaani.

Maanta Anniga oo xanuunsan ayaa Guriga ka baxay, waxaan mar kale la kulmay wadadii aan Magaalada ku aadi jiray oo xiran, Sabab. waxaa la sugayay in ey yimaadaan Magaalada Saddax Madaxweyne Maamul Gobaleed. Waxaa kale oo la sugayay Laba Dayaaradood oo siday Madaxda Shirkado lala saxiixan lahaa Heshiis Shidaal waana yimaadeen. Waxaa la diyaariyay Qolkii wax lagu saxiixi lahaa (F.S: 1 & 2aad).

Waxaa heshiiska lala saxiixanayay shirkadaha ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas. Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweyna waa diideen in ey ka qeybgalaan Heshiiskaa xaraashka Shidaalka.

waxaa la filayay in Shirkaddaa yar oo aan aad loo Aqoonsaneyn in uu u saxiixo Mr. Lane Franks oo ah Liberty Petroleum Corporation, Co-Founder , President & CEO. Mr. Lane waxa uu ku shaqey jiray Qalab lagu qodo Ceelasha oo Qoyskiisu ey ku lahaayeen New Mexico, USA isaga oo ahaa 16 Sanno jir iyo walaalkii ka weyn Mr. Trent Faranks oo ahaa 17 jir, kadibna u bedelay Shirkad ka shqeeyso Galbeedka iyo Bartamaha Gobalka Taxes –USA sannadkii 1980kii. Kadibna waxa ey u sii bedeleen shirkad Gaaska ka Sahamiso Gobaladda: Oklahoma, Taxes, New Mexico, Utah, Colorado, Kentucky iyo Tennesses.

Kadibna waxa ey u sii bedeleen Shirkadan Cusub ee Liberty Sannadkii 1999kii oo markaa kadib Bilaawday in ey ka shaqeyso meela ka baxsan Mareykanka Gaar ahaan Afrika oo ey ka shaqeysteen Lacag dhan $ 1.4 Billion.

Waxaa la leeyahay Maanta waxaa loo saxiixay Libertina 3 Block Shidaal, in kastoo Dib loo dhigay dhameystirka Heshiiska illaa Berri , sidda la leeyahay Madaxweyne Gobaleedkii Hirshabeele ayaan weli soo gaarin Magaalada.

Waxaa la sheegay in Shirkadda Liberty ey Bixisay Lacag dhan $ 120 Million oo ey toos ugu shubee Bangiga dhexe ee Somaliya, Taasi waa Borbogaanda saxiixa yaashu ey sameeynayaan si Dadka looga dhigu in Dowladu ey heshay lacag badan oo ey Doorasho ku gasho.

Laakin waxa Jiro Lacag yar oo Bonus ah oo siyaasiyiinta Somalida la siinayo taa oo ah Halkii Block $2 Million ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay oo ah $ 12 Million oo kaliya oo ey qeybsanayaan Siyaasiyiinta Somalidu. Kuwaa oo ey ka mid yihiin 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah: 1- Banadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Juba land. iyo 6. Somali land.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here