Kusimaha Madaxweynaha Galmudug oo farriin u diray laamaha Ammaanka

0
65

Wasiirka Cadaalada Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow ahna kusii simaha Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan ku saab sanaay Amniga Deegaanada Galmudug

Kulanka oo kadhacay Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa kusugnaay qaar kamida Wasiirada Galmudug Xoghaya Guud ee Baarlamaanka Galmudug Xassan Maxamuud Faarax iyo Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida Galmudug, waxaa kulanka si guud looga hadlay Amniga Galmudug Gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa Warbixino ku saabsan Amaanka ayaa waxaa looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada ee kulanka kasoo qeyb gashay, waxaana uu ugu baaqay adkeynta Ammaanka Caasimada.

Cabdi Maxamuud Fiidow Wasiirka Cadaalada Galmudug ahna kusimaha Madaxweynaha Galmudug ayaa Laamaha amaanka ku amaanay shaqada ay uhayaan Bulshada Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here