Amiirka Qatar oo si weyn loogu soo dhoweeyay Sacudir Carabiya

0
56

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka degey Boqortooyada Sacudi Carabiya iyadoo uu garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay amiirka leh dhaxaltoyada Sacudi Carabiya Mohammed bin Salman.

Amir Salman ayaa laabta geliyay Amir Sheik Tamim oo u tegey Sacudi Carabiya inuu ka qeybgalo Shirweynaha Madaxda wadamada Khaliijka.

Shirweynahan ayaa lagu wada in lagu soo afjaro khilaafka ka dhexeeya Boqortoyada Sacudi Carabiya iyo dalka Qatar.

Sacudi Carabiya ayaa shalay ku dhowaaqday inay dib u fureyso xadka dhulka,badda iyo hawada ee ay la wadaagto dalka Qatar kadib saddex sano iyo bar oo ay xirnaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here