Dib udhac Kuyimid Munaasabadda Saxiixa Heshiiska Xermooyinka Shidaalka Soomaaliya

0
63

Waxaa maanta baaqatay munaasabad lagu waday in lagu shaaciyo heshiis ay gaareen dowladda Soomaaliya iyo Shirkado si gaar ah loo leeyahay oo qaabilsan shidaal baarista, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay walaac ka muujiyeen mucaaradka.

Heshiiska maanta baaqaday ayaa lsaxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga qodayo Xeebaha Baraawe iyo Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo munaasabada waxaana sidoo kale horay ugu sugnaa Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis lafta gareen.

Shirkadda Heshiiska lagu waday in maanta lala galo waxaa ka mid ahaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaflada saxiix ay u dhacday maalinta berri, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas  iyo qaabka loo waafajanayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here