Faa Faahino Dheeraad ah oo Kasoo baxaya Qaraxyo Xoogan oo Kadhacay Degmada Balcad

0
74

Faa Faahino Dheeraad Ah Ayaa Kasoo baxaya Labo Qarax qarax oo ka dhacay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Kuwaas oo Geystay Qasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac

Labadan qarax ayaa Waxa Ayka dhaceen bar koontarool ku Yaala dhinaca Galbeed ee magaalada Balcad iyadoo ay ku dhinteen labo ruux halka inku dhow toban ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa Koowaad Ayaa Waxaa Kudhintay labo wiil oo ka ag dhowaa bar kontaroolka,balse dad badan oo isugu jira ciidamo iyo dad rayid ah oo tegey goobta ayaa waxaa haleelay qarax kale oo goobta lagu sii diyaariyay.

Qaraxyadan ayaa u muuqda kuwo goobta lagu sii diyaariyay si ay ugeysteen qasaare xoog leh, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee la xiriira qaraxan hase yeeshee waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu gargaaro dadka ay dhaawacyada soo gaareen.Waxaana Dhamaan Dhaawacyadooda Looqaaday Cisbitaalada Waayeyn ee Magaalada Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here