Ciidanka Galmudug Oo La Wareegay Amniga Degmada Matabaan

0
52

Ciidanka maamulka  Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dhawaanahaan degmadaasi ka taagnaa is qab-qabsi dhanka maamulka ah, waxaana xusid mudan in amaanka Matabaan uu hadba gacanta u galo Ciidamo kala taabacsan Hir-shabeelle iyo Galmudug.

Ciidanka Booliska degmada Guriceel ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen ammaanka degmda, waxaana in muddo ah bandhig ku samaynaya Degmada Matabaan  Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha booliska Guriceel Cismaan Cali Hudeey.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno matabaan ayaa ku warramaya in amaanka guud ee Degmada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Booliska Galmudug, gaar ahaan Ciidanka Booliska Guriceel.

Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa u muuqata degmo aan lahayn maamul toos ah, waxaana dhowr jeer la geeyay Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, kuwaasi oo loogu tala galay in ay amaanka degmada sugaan, balse taa baddelkeeda waxaa degmda maamula Ciidanka Booliska Guriceel, sidoo kale waxaa jira dagaal beeleedyo ka dhaca degaanno hoostaga degmada matabaan, kuwaasi oo tiro dhowr jeer ah la isku dayay in wax laga qabto, balse dilalka iyo degaalada tooska ah ee la xariira aanooyinka Qabiil waa ay soo badanayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here