Musharax Daahir Geelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Kulan Yeeshay +SAWIRO:

0
54

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka oo kamid ahaa kulamada horudhaca u ah Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada dalka, sida Arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay.

” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay Danjire, Dahir Mohamud Gelle oo ay weheliyaan xubno wafdigiisa ka mid ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay baarlamaanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here