(SAWIRO) Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo ka furmay Garowe

0
47

Waxaa goordhow ka furmay magaalada Garowe Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage, Madashan oo sanadkiiba la qabto ayaa markii u horeysay sanadkan 2020 lagu qabanaa gudaha Soomaaliya, halka sanadihii u dambeeyay lagu qaban jiray dalka Jabuuti. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoonka Labada Aqal, Midowga Musharaixinta iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in madashan ay ku soo aaday marxalad loo baahnaa in la isku yimaado, isagoo u rajjeeyay shirka inuu ka soo baxo mira dhal wanaagsan.

Waxaa shirka la filayaa inta khudbadaha socdaan ay bar bar socdaan Dood cilmiyeedyo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, sida Amniga, Siyaasadda, Dib u eegista Dastuurka iyo sida Soomaaliya uga bixi karto marxalada kumeel gaarnimada daba dheeraatay, si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod sanadka 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here