Wafdi uu Hogaaminayo R/W Kuxigeenka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

0
70

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntlan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Doyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar katirsan labada golle ee Puntland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa waxaa ay Magaalada Garoowe kaga qeyb gali doonaan Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, dhameystirka Dastuurka iyo qodobo kale, waxaana Shirka ka qeyb galaya Madax isugu jirta Muxaafad iyo Mucaarad.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay Magaalada Garoowe gaaraan Xubno  kale oo kamid ah madxda lagu casuumay shirka, iyada siwyen loo ilaaliyay Amniga Magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here