Maxkamad Kutaalo Sacuudi carabiya oo xukun kuriday Haweeney udooda Xuquuqda Haweenka

0
77

Maxkamad ku taal Sacuudi Carabiya ayaa Loujain al-Hathloul oo u ololeysa xuquuqda haweenka ku xukuntay xabsi shan sano iyo sideed bilood ah, iyada oo laba sano iyo 10 bilood oo ka mid ah muddada la joojiyay, Sida uu wariyay Wargeyska France24.

Maxkamada Xukuumadda  Riyaad ayaa xukunkaan riday, iyada oo  Boqrtooyadu wajahayso cambaareyno kaaga imaanaysa wadamada reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Mareykanka.

Hathloul ayaa la hayey tan iyo 2018-kii, ka dib markii la xiray iyada iyo xubna kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Hathloul ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay doonaysay in wax laga badalo nidaamka siyaasadeed ee Sacuudiga, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay dacwadaha lagu soo oogay kuwa been abuur ah, iyadoo ay wehliyaan ururada u dooda xuquuqda iyo xildhibaano ku sugan Mareykanka iyo Yurub.

Xiritaanka haweeneydaan ayaa dhacday wax yar ka hor, markii boqortooyadu ka qaaday mamnuucida haweenka wadista gawaarida, taas oo u ololeeyeyaal badani ay muddo dheer u ololeeyeen, iyada oo qayb ka ah dib-u-habeyntii uu soo saaray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan.

Xukunka Hathloul wuxuu yimid ku dhawaad ​​seddex usbuuc kadib markii maxkamad Riyadh ay xirtay dhakhtarka Mareykanka-Sacuudiga ah Walid al-Fitaihi oo lagu xukumay muddo lix sano ah xabsi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here