Dagaal Kadhacay Deegaan Katirsan Dowlad degaanka Soomaalida iyo Askar farabadan oo Halkaasi gaaray + SAWIRRO

0
72

 

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degmada Dan La Helay ee dowlad degaanka Soomaalida waddanka Itoobiya.

Soomaalida degmadaas ku nool ayaa waxa ay sheegeen in ciidamo iskaashanaya oo isugu jira Canfar iyo Tigray ay soo weerrareen, hasayeeshee dhanka kale ee eedda weerrarka loo tiirinayo weli wax war ah kaama soo bixin dhankooda.

Degmadaas Dan La Helay, iyo degmooyinka kale ee Garba Ciise iyo Cadayto, ayaa sanadihii dambe qalalaase ka taagnaayeen, iyada oo kumanaan ruux ay ka barakaceen.

Maanta ayaa degaanka lagu dagaalamay waxaa la geeyay Boqolaal askari oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan, waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here