Baaritaan lagu bilaabay Madaxda ka qeyb-galeysa Shirka Magalada Garoowe

0
61

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Abdiraaq Xirsi Xasan oo ku sugan hotel Martisoor ee magaalada Garoowe oo ay Wasaaraddu ilaa shalay ka waday baaritaan la xiriira Cudurka Cornavirus oo  lagu samaynayo dadka ka qayb-galaya shirka Madasha Machadka Heritage ku qabanayso Garoowe oo bari bilaabanaya.

Agaasimaha oo warbixin kooban siiyay xafiiska warfaafinta wasaaradda ayaa sheegay in baaritaanku socdo ilaa shalayna ay baareen qaar kamid ah dadka shirka ka qaybgalaya, agaasimaha ayaa xusay in ilaa hada aysan jirin cid laga helay xanuunka balse hadii cid laga helo ay u diyaariyeen meelo gaar ah oo lagu haynayo.

Agaasimaha ayaa shacabka Puntland si gaar ah martida shirka ka qaybgalaysa inay ka taxadaraan badqabkooda ayna isticmaalaan waxyaabihii looga hortagayay cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here