Muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka oo maanta ku eg

0
35

 

Waxaa maanta ku eg muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo shaqeynayay muddo afar sano ah, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii la dhaariyay Baarlamaanka Labada Aqal oo wadajir ah. 27 bishii December 2016 ayay ahey markii la dhaariyay Xildhibaannada iyo Senatada Labo Gole ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, xilligaasoo markii u horeysay uu dalku yeeshay Aqal Sare.

Baarlamaanka Labada Aqal ee waqtigiisa dhammaaday ayaa dalku waxaa uu gelinayaa xaalad cusub, maadaama wali aysan dalka ka dhicin doorasho la isku raacsan yahay oo suura geliya Baarlamaan bedela Baarlamaanka hadda waqtigiisu dhammaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo todobaadkii hore ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii heynayo illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11aad, si aanay u dhicin firaaq dastuuri ah, sida uu Dastuurka qodobkiisa 60aad uu dhigayo iyo wax ka bedelka sharciga LR 20.

Si kastaba ha ahaatee muddo xileedka ka dhammaaday Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada oo aan weli la isku raacsaneyn, waxaana Baarlamaanka 10aad uu waqtiga ka dhacayo, iyagoo aan ansixin miisaaniyadda sanadka 2021 oo ay soo gudbisay Xukuumadda, taasoo weli dood laga leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here