Madaxweyne Biixi oo kulamo ka wadda Jabuuti

0
44

 

Madaxweynaha  Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa maanta booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here