Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo cambaareeyay xaalada ka taagan magaalada Baledweyne

0
52

!

 

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u Cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “caburinta lagu haayo dadka reer Hiiraan gaar ahaan kuwa ku nool Baledweyne”.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya in ay isaga fogaadaan in awoodo militari ay u adeegsanayaan shacabka, tabashada ka qaba qaab loo maray dhismaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda iyo meelmarinta danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha”ayuu yiri Cabdiraxmaan

“Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka  ahaa ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili maanta banaanbaxyo waaweyn oo dad shacab ah ay dhaawaceen Booliiska ay ka dhaceen gudaha magaalada Baledweyne.

Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday dad badan oo shacab ah oo ku xiran Saldhiga Baledweyne kuwaas oo ilaa hada aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u xiran yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here